Waa arrin aad loogu baahnaa in ciidanka iyo Madaxdooduba ay la yimaadaan fikrado caafimaad qaba si looga faa'iidaysto Maxaabiista faraha badan ee iska dhex fadhida jeelasha wadanka si wadanka horumar loo gaadhsiiyo. Waxaan leeyahay Taliye xiirane waa in uu ku helaa Dalacaad Derejo Fekerkaa caafimaadka qaba ee uu la yimid waayo nin ka sarkaalka ah iyo askarta kaleba hadii ay la yimaadaan feker horumar keeni kara waa in tix-gelin iyo abaal marin la siiiyaa si qof walba xilkiisa uga soo baxo "Wixii dhacayaba dhankiisa hayaha wadaniga dhabta ah allow dhowr" Waa halku dhegga sanadka.
Maaha uun feker uu keli ku yahay Taliye xiirane ee qofkasta oo muwaadin ah way u muuqataa in laga faa'iidaysto xooga maxaabiista mana aha tacadi lagula kacayo ee waxay ka jirtaa aduunkoo dhan waayo maxbuuskana waxay u noqonaysaa caafimaad shaqadu niyadiisana kor bay u qaadaysaa jidh ahaan iyo maskax ahaan intaba waxay korinaysaa shaqadu yididiilada iyo hamiga qofka dhex fadhiyi lahaa jeelka. Isagoo isu arkaya qof jira oo tirsan loona baahan yahay xoogiisa, Muruqiisa, iyo maskaxdiisa intaba berina ku faani kara shaqadii uu wadanka u qabtay, dibna uga qoomamayn doona qaladaadkii uu ka galay wadanka.
Maxaabiista waxaa looga faa'iidaysan karaa waxyaalo aad u fara badan iyadoo shaqooyinka la gaynayo lagu siinayo lacag aad u yar hadii kale inta shaqo tagta cuntada loo kordhinayo waayo waa muwaadin xaq iyo xuquuq ku leh wadanka. Maxbuus macnihiisu maaha qof la nacay qofku denbi waa geli karaa lakiin xuquuqdiisa laguma tuman karo si hadaba xoogooda looga faa'iidaysto bal aan eegno wax soosaar kooda iyo maxay hada wadankeeena u qaban karaan bal aan eegno dhwr kan qodob ee soo socda
1) Waddooyinka oo ay ku sameeyaan (Repair) in ay ragcaan meelaha Go'ay
2) Dooxyada waaweyn oo ay xidhaan si biyahu u joogsadaan oo biyaha looga faa'iidaysto
3) Qalabka guryaha sida fadhiyada iyo sariiraha samayntooda oo ciidanka asluubtu leeyahay si dakhli uga soo galo ciidanka
4) Beeraha oo ay falaan si midho badan ugu soo go'o wadanka loogana baxo cuno yari khudrad yari
5) Dhismayaasha dawlada oo ay ka qaybqaataan dhisidooda sida xafiisyada iyo dayactirka qalabka ciidamada
6) Taba bar xagga kaluumaysiga ah oo la baro si ay u soo qabtaan kaluun badan loona sameeyo wershed qasacadaysa oo ciidanka asluubtu leeyahay
7) In wax la baro xirfad uu ku shaqysto si marka uu soo baxo aanu wixii lagu soo xidhay dib ugu noqon
Intaa iyo in kaloo ka badan waa looga faa'iidaysan karaa xooga dihin ee maxaabiista ku jirta jeelasha wadanka hadaba fikirkan uu Taliye xiirane soo jeediyey waa mid loo baahan yahay waxaana filayaa in Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha gudaha ay siin doonaan tixgelin dheeri ah, waayo wadanku waxaa uu ku hormari karaa xoogaas oo laga faa'iidaysto waxaan kale oo fariin u dirayaa in Ganacsatada Gaadiidlayda iyo dhamaan inta danaysa horumarka ay taageeraan Fikrada Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed xuseen xiirane.
Eng: Abdirazak yassin Maxamed
jmladam413@gmail.com
——————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,
↧
HAMBALYO TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA MAXAMED XUSEEN XIIRANE FIKRADA CAAFIMAADKA QABTA EE AH IN XOOGA MAXAABIISTA LAGA FAA’IIDAYSTO SI WADANKA AY WAX UGU QABTAAN By: Eng: Abdirazak yassin Maxamed
↧