Salaan ayaan u dirayaa warbaahinta iyo bulshada reer soomaaliland-ba waxaan leeyahay nabad iyo barwaaqo.
Marka labaad waxaan filayaa inaydaan la yaabin in su,aashan maskaxdayda ku soo dhacday ee ah sida aan cinwaanka sare ku qoray (Tolow Madaxwaynuhu ma waxa uu goballada Bariga Soomaaliland u tagay u kuurgalista xaalada goboladaas mise waa loo weheliyaa!?) waxaase laga yaabaa inaad is waydiisay maxaan su,aashan ku keenay!!!!!!
Dareenka aadamuhu waa kala duwan yahay ,waxaa laga yaabaa inaan in badani halkaa ka eegin ama in kaleba igu waafaqday markay arkeen , bal hadaba waxaad u fiirsataa sawirada fagaarayaasha uu madaxweynuhu ka qudbadaynayay ama marayay laga bilaabo Burco-Ceerigaabo , waxaad arkaysaa waxaa hareeraha ka tagan ama ka socda Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Markhaati, Xildhibaan , Gudoomiye ku xigeen Samaale . Dib u celi xusuustaada ama mar kale cajalada dib u wareeji kuna noqo ayaamihii ololaha doorashada , maxaa kuusoo baxay? Jawaabta ma foga waxaad isla markiiba aragtay sawirkan mid la mid ah saw maaha , waa Gudoomiyihii xisbiga kulmiye ee waqtigaa , Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliland mudane Siilaanyo, oo midigta iyo bidixda ay daadihinayaan isla Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye ee xiligaas oo ah Gudoomiyaha Xisbiga ee hada mudane Muuse Biixi, iyo Gudoomiye ku xigeenkii Golaha Wakiilada xiligaas oo ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada xaqiiqiga ah ee hada isla markaana ah Gudoomiyaha mustaqbalka ee Xisbiga Kulmiye mudane Samaale.
Waxaa hadaba lagama maarmaan ah inaan is waydiino socdaalkan dheer ee Madaxwaynaha ma sida la shaaciyaybaa in uu yahay uu kuurgalid xaalada dalka iyo Gobolada , mise waa olole dahsoon oo ah damaanad qaadis iyo ballamo dambe oo loogu qalbi qaboojinayo Gudoomiye Muuse inaan Beesha Madaxwaynahu furashada ururada cusub u hanqal taagayn ee ay xisbiga ku daba fayli doonto.
Aar Shabeel Cali
aarshabeel@hotmail.com
————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,
↧
Booqashada Madaxwaynaha Ee Gobalada Bariga Soomaaliland (U Kuurgalid Xaalada Goblada Mise U Daamanad Qaadka Muuse Inaan Beeha Siilaanyo Ururo Furanayn Su,aal Is Waydiin Mudan!!!?)
↧