Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Qoraaga Wayn Khaliif Ashkir oo Soo Bandhigaya Haddalo uu kala Sheekaystay Siyaad Barre:

$
0
0

Nairobi:(GMN)  Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya lagu soo bandhigi doono buug cusub oo uu qoray qoraa sare Khaliif Ashkir Diini, kaasoo lagu magacaabo ”Aan Sheego Wax Sheellaa”.
Soo bandhigidda buugga waxay ka dhici doontaa hoolka weyn ee Easleighmall oo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi maalinta Axadda ee bishu ku beegan tahay 16-October sanadka 2011, saacaddu marka ay tahay 02:00pm-6:00pm maqribnimo.
Buuggan cusub wuxuu ka sheekeynayaa su’aallo la weydiiyey madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna qoraha geliyey waqti dheer iyadoo lagu tilmaamo buuggii mucjisada.
Khaliif Ashkir Diini wuxuu horay u qoray buuggaagta kale ah:-
Guur iyo Garaad
Waan sirgaxnaye sax ma jirannaa.
Rajo qaran
Rag waa kii kufoo haddana kaca
Trouble to Trouble
Africa Way Out.
Haddaba wixii faahfaahin ah oo ku aaddan Aan Sheego Wax Sheellaa kala xiriir qoraaga taleefan number-ka:-
254-702588329 ama Email:-ka dinikhalif@yahoo.com.



Ka soo qeybgalkaagu waa muhim.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>