Xasuusin Qofka Falaartu Muujinayso waa Wiilka Madaxwayne Faroole Labada shirkadood ee African Oil iyo Sarcen International ayaa Loolan dhanka Awoodaha ka dhex wada Gudaha Maamul Goboleedka Puntland, Shirakadaha ayaa wax la kala Saftay Beelihii Dhistay Puntland waxana ay Doonayaan inay Gudaha PL awood dhanka Ciidamada ay ku Yeeshaan.
African Oil ayaa horay waxa u Abuuray Liibaan Muuse Boqor oo Gacan ka Helayay Gen Cade Muuse Xiri Madaxwaynihii Hore ee Puntland hase ahaatee markii wakhtigii Xukuumadaasi dhamaaday ee Madaxwayne Faroole hogaanka Pl la wareegay waxa Hoos u dhac wayni ku Yimi howlihii Shirkadaasi Gudaha PL ka waday taasi oo loo sababaynayo in Hashiiskii Faroole qorsheeyay in wax laga bedelo isaga oo Dabada ka Riixayay Shirkadan Cusub ee Sarcen International.
Waxa la sheegayaa in Sarcen International ay hub kala soo degtay Magaalada Bosaaso waxa sidoo ay Sheegayaan warar hoose in Shirkadaha ay Aad ula shaqeeyaan Isimada Beelaha degan Puntland oo Gunooyin Lacag ah ka qaata Shirkadaasi wakiiladooda ku Sugan Gudaha Pl.
Wasiirka Maaliyada PL ayaa hor boodaya shirkada Sarcen Internatinal kaasi oo soo Banaan Baxay markii uu dhawaan BBC-da ka sheegay in Shirkadaasi ay Ciidamada PL Tababar Siinayso, sidoo kale Wasiirka ayaa Wariyaasha u sheegay inaanay aad uga Faaloon Arrimaha Shirkadaasi.
Dhanka kale Shirkada African Oil waxa Hor boodaya Madaxwaynihii Hore ee PL Gen Cade Muuse Boqor waxana uu wakhtigan ku Sugan yahay Gudaha Puntland Gen Cade Muuse iyo Kooxdiisu waxay Quud daraynayaan inay Dib u Cusboonaysiiyaan Hashiiskii Shirkada African Oil Halka Madaxwaynaha iyo Xulufadiisu ay doonayaan in Sarcen International ay Shaqada sii wado Magacana Laga bedel oo Magaca Cusub loo Bixiyo.
Waxa xusid mudan in Sarcen International oo Aduunka oo dhami Shaki wayn Galiyay Hubka ay Somaliya ku Daad Guraynayo ay Maamulaan Qoyska Reer Faroole Gaar ahaan Wiilka Madaxwaynaha Maxamed C/raxmaan Faroole sida aad Sawirka ka Arkaysaan Qofka Falaartu Tilmaamayso ee Saraakiisha Ajaaniba ah la Fadhiya waa Maxamed C/raxmaan Faroole.
ISha warka GalGalanews.com
↧
Sawir Muujinaya Awooda Reer Faroole ee Sarcen International
↧