asc wrb waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan umada muslimiinta ah waxaan si gaar ah u salaamayaa wixii jecel khayrka iyo horu marka iyo wax qabadka salaan kadib halkan waxan rabaa inaan idinka yara tuso nolosha ay ku noolyihiin u badkeena jooga wadankoodii hooyo ahna ubaxa iyo midhaha aynu beernay ee la rabo baritoole in iyagoo nabad iyo caafimad qaba la goosto hadaba waxaa la yaab igu noqotay mar aan tagay magaalada tog wajaale oo ka tirsan gobolka gabilay ayaa waxay indhahaygu qabteen arin aan aad uga naxay runtii iguna noqotay u qaadan waa aan kuna qaxiixsaday inaynaan ahayn dad iyagu raba inay iskood wax u qabsadaan laakiin raba oo jecel inay dad shisheeyo maal galin ku sameeyo oo dibada uun wax ka suga miyaadan ogayn oonad ku qanacsanayn inay umad waliba xoogeeda iyo maskaxdeeda ku hor martay ee aanay dawlad heblaayo hayad heblaayo ayaa wax noo qaban doonta isku halayn hadaba hadalka waxaan ku soo gaba gabaynayaa bal sawirada ila eega kadibna damiirkee aqbali kara inaan xaaladaas ku jiro umadkeenuna noocaas ku jiraan.
MK Ali
koosaar_18@hotmail.com
——————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,
↧
Damiirkee Aqbali Kara ? By: MK Ali
↧