Ku: Madaxweynaha Jamuuhriyada Somaliland
Ku: Goleyaasha baaralamanka (Guuritida iyo Wakiilada)
Ku: Xisbiyada Qaranka
Ujeeddo: Baaq
Waxay ognahay in ay dhalinyaradu tahay kuwa awood maanta ku leh mustaqbalka isla markaana ay xaq u leyihiin in ay goob-joog ka ahaadaan miiska iyo golayaasha lagu jaan-gooynayo aayaha mustaqbalka ee dalkan, maadama ay iyagu yihiin kuwa leh aayaha laga talinayo surtagalna maaha in ay ka maqnaadaan Goloyaasha dajisa talada dalka.
Sidaa darteed-na waxaan ku bogaadinayna Madaxweynaha iyo xukuumada furista ururada siyaasiga ah iyo ansixinta siyaasada heer qaran dhalinyarada waxaa kaloon u mahad naqaynaa golayaasha iyo axsaabta sida geesinimada leh u taageeray furista ururada siyaasadeed. Hadaba sidoo kale waxa jira xeerar caqabad ku ah dhalinyarada ka qayb galka ee talada Dalka.
Haddaba waxay imika doodaasi taagan tahay xeer NUMBER No. 20 oo ay ku jiraan ah qodobo caqabad ku ah inay dhalinyaradu ka qaybgasho ka qayb gasho talada dalka.
waxaanu baaq dheer u diraynaa Madaxweynaha, Golaha Baarlamaanka, iyo Xisbiyadu ay taageeeraan wax ka bedalka Xeer No: 20, hoosna loo dhigo da’da si ay uga qaybgalaan dhalinyadu Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka oo la dhigo 25 jir.
Allah Mahad Leh
Magacyada Gudida Raadinta Xaqa Dhalinyarada Ee Talada Dalka
- Mustafe Iid Maxamed Guddoomiye
- Fu'aad Saleeban Jamac Xoghaye
- C/khaddar Cumar Cismaan Afhayeenka
- Maxamed C/laahi Xasan Executive Director of CRRD