Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Maraykanka: Waxaan Fashilinay Shirqool

$
0
0

Maraykanka ayaa sheegay inay fashiliyeen shirqool la doonayay in lagu dilo Safiirka Sacuudiga u fadhiya Maraykanka.
Wasaaradda cadaaladda ee Maraykanka ayaa Salaasadii shalay danbiyo ku soo oogtay laba nin oo u dhashay dalka Iran kuwaasoo la sheegay inay lug ku leeyihiin shirqoolkan. Wasaaradda Cadaallada ayaa labadan qof ku eedeysay inay la shaqeynayeen koox ka tirsan xukuumadda Iran si loo dilo safiirka Sacuudiga ee Maraykanka u fadhiya Cadeyl Al-Jubeyr.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in labadan ay ka yihiin Manssor Arbabsia oo haysta baasabooradda Maraykanka iyo Iran kaasoo lagu xidhay garoonka diyaaraddaha ee JFK ee New York 29-kii September. Ninka labaadna waxaa lagu magacaabaa Gholam Shakuri, waxaana lagu sheegay inuu xubin ka yahay ciidamada Iran ee Qudur lagu magacaabo, ninkan ayay saraakiishu ku sheegeen inaan la ogeyn meel uu ku sugan yahay. Xeer-ilaalliyaha guud ee Qaranka Maraykanka, Eric Holder ayaa sheegay in shirqoolkan lagu soo hagay laguna soo diyaariyay dalka Iran. Wuxuuna sheegay in Washington ay mas’uulliyada arrintan u qabsanayso xukuumadda Iran.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>