Jerusalem (RBC):- Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ka sheegay TV-ga Israel Talaadii shaley in la siin deen doono askariga israel-ka ah ee Gilad Shalit kaa oo ku xirnaa mudo shan sano ah mariga Gaza.
Mr.Netanyahu ayaa sheegay Shalit in dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda gurigiisa kaa oo laga qabtay mariga Gaza sanadkii 2006-dii
Israel ayaa sii deen doonta boqolaalo maxaabiis ah kuwaas oo ku xiran jeelasha Israel.
ku dhawaad 5,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ku xiran israel kuwaas oo ay ku jiraan maxaabiis loo heesto dambiyo culus.
Madaxa wada xaajoodyada Xamas Khaliid Mishacal ayaa sheegay in ay tani tahay guul weeyn oo u soo hoyatay dadka Falastiin.
Meelo Badan oo Falastiin ah iyo Caalamka ayaa waxa ka dhacay munaasabado lagu soo taageeraayo heshiiskan oo ay ka dambeesay dowlada Masar.
↧
Israel Iyo Xamaas Oo Heshiis Ku Gaaray In Isku Gudbistaan Maxaabiis Ay Kala Heestaan
↧