Muqdisho (RBC Radio) Ciidamo badan oo ka tirsan Al-Shabaab aya waxaa lagu soo waramayaa in ay soo galeen magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaan ay ka yimaadeen dhanka gobalada jubooyinka isla markaana ay ka soo gudbeen deegaanada hoostaga magaalada Muqdisho ee loo barakacay.
Dadka goobgoogayaasha aya ayaa sheegaya in ay arkayaan gaadiidka dagaalak oo ay saaranyihiin dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dowlada ka soo horjeeda.
Arintaan ayaa waxey ka danbaysay ka dib markii Al-Shabaab lagala wareegay fariisimo badan oo ay ku sugnaayeen oo ku yaalay magaalada Muqdisho kuwaas oo kooxdaasi u ahaa muhiim.
Lama oga in ay doonayaan in ay ku sii dagaalamaan magaalada Muqdisho deegaanada yar yar oo ay kaga suganyihiin iyo in ay doonayaan in ay difaacdaan deegaanada hoostaga magaalada Muqdisho oo ay ku suganyihiin.
Al-Shabaab mudooyinkii ugu danbeeyay waxey waayeen taageeradii shacabka ka dib markii ay sii kordhiyeen amarada ciqaabta ah oo ay bulshada ku amrayeen.
Marka la eego magaalada Muqdisho inta badan waxaa gacanta ku dhigay ciidamada dowlada kMG iuyo waliba ciidamada AMSIOM waxeyna haatan ay AL-Shabaab kaga suganyihiin magaalada Muqdisho degmada Dayniile oo kaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Ciidamo Badan o ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu Soo daabulay Muqdisho
↧