Muqdisho (RBC Radio) Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka magaalada Muqdisho in ay ku soo laabtaan guryahooda oo ay horay kaga barakaceen.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Aminiga Qaranka dowlada KMG Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladu ugu baaqeyso in ay ku soo laataan guryahooda.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay haatan shacabka Soomaaliyeed ay ku soo laaban karaan xaafadooda isla markaana goobaha ay la wareegeen ciidamada dowlada KMG ay yihiin kuwo amaan ah.
C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowlada KMG goobaha ay la wareegeen ay sugeen amaankooda isla markaan ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed amaankiisa.
Wuxuu sidoo kale uu u mahadceliyay ciidamad dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba ciidamada AMSIOM wuxuuna sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalada ay la galeen ururka AL-Shabaab ee ka soo horjeeday dowlada KMG.
Hadalkaan ayaa Wasiirku ku dhawaaqay xili uu ku sugnaa xaafada Sos oo ka mid ah goobaha ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMSIOM ay ka sooreen maliishiyadka kooxda Al-Shabaab.
Degmooyinka Hilwaa iyo Yaaqshiid ayaa waxey ka mid yihiin deegaanada ugu dan oo ay shacabka kol hore ay ka barakaceen isla markaana aysan wali ku soo laaban, waxaana jira xaafado badan oo wali haawanaya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Dowlada KMG oo Ugu Baaqday Shacabka in ay ku Soolaabtaan Guryahooda
↧