Geneva:- (RBC) Madaxa hey’ada Qoxootiga QM Antonio Guterres oo saxaafada kula hadlaayay magaalada Geneva ee dalka Zwesarland ayaa sheegay in ay rabaan in ay howlaha gargaarka ay wadaan ku faafiyaan Soomaaliya oo dhan, Dagaalada iyo abaaraha waxa asiibeen Malaayin qof oo ku nool Soomaaliya.
“Xaalada waa tan ugu daran waliba qaybo badan oo soomaaliya ah,” sidaas waxa sheegay Madaxa UNHCER Antonio Guterres ka dib markii kulan uu la qaatay gudiga fulinta hey’adda.
Waxa uu ku qayxay abaaraha Soomaaliya kuwa ugu daran wadamada ku yaala geeska Africa waxa uu ku sheegay in heerkii ugu sareysay ay gaartay, iyadoo la xadiday dhaqdhaqaaq xadka dadka ka soo talaabaya.” xaaladu ma ahan in dhibaabatu ay tahay xagga bin’aadinimada ee waxa xagga siyaada ,” Guterres ayaa sheegay.
Hey’adda UNHCR ayaa caawisay qiyaastii 800,000 Somali oo qoxooti ah kuwaas oo ku nool wadamada dariska ah qiyaastii 3.7 million oo qof ayaa u baahan gargaar ku waas oo ku nool gudaha Soomaaliya.
Si kastaba,waxa jirra walaac laga muujinaayo Soomaaliya ka dib markii Qarax ismiidaamin ah talaadadii uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaa oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 80-qof halka in ka badan tira intaa kalena ay ku dhaawacmeen.
↧
UNHCR Oo Sheegtay In Ay Rabto Howlaheeda In Ay Ku Baahiso Soomaaliya OO Dhan
↧