Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Kulan looga hadlayo ladagaalanka Burcad Badeedka oo ka dhacey Siishalis iyo wafti Puntland ah oo ka qayb galay

$
0
0

MAHE, SEYCHELLES(Puntlandi.com) Kulan soconayey laba maalmood (Oktobar 11 & 12, 2011) oo looga hadlayey arrimo la xiriira Bucad badeedda Somaliyeed oo  ay mid yihiin, Xarigooda, Maxkamadeyntooda, dib ugu soo celinta dalkooda kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ahba, iyo u sharciyenta Maraakiibtu inay shaqaaleeyaan amni rayid ah (Private Security) si ay isaga waabiyaan ama difaacaan Burcad badeedda, iyo sidii Somaliya loogu dhisi lahaa kaabayaashi sharciga, sida Booliiska, Xabsiga iyo Maxkamadaha ayaa galabta ku soo gabagaboobay Jasiiradda Mahe ee dalka Seychelles.
Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey WG2 oo ka tirsan Kooxda Xiriirka Burcadda ka hirgashay Xeebaha Somaliya(CGPCS – WG2), waxaana daadihinayey Safiirka Thomas Winkler, oo ah la taliyaha xagga sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Denmark. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen sharci yaqaanno iyo masuuliyiin kale oo ka socday Hay’adaha la dagaallanka Burcad Badeedda oo ka kala socday in ka badan sideetan waddan, ayaa Somaliya waxaa uga qayb galay wafuud ka kala timid, TFG, Puntland iyo Galmudug. Somaalidii halkaa isugu timid ayaa muujisay midnimo iyo in ay si wadajir ah u xallinayaa dhibaatada Burcadda haddii Caalamku ka taageero, xag farsamo, tayo iyo dhaqaaleba.
Agaasimaha guud ee la dagaallanka Burcadbadeedda Dawladda Puntland, ayaa ka warbixiyey halka ay maraayaan mashariicda kobcinta iyo dib u soo noolaynta hay’adaha sharciga oo ay ururro caalami ay ka wadaan dalka gudihiisa.
Ducaysane, annago tixraacayna codsigii Madaxweynahayaga Dr. Faroole uu u gudbiyey hay’ada Qaramada midoobay bishi May 2010, oo ku saabsanaa DIB U SOO CELINTA SOMALIDA KU XIRAN DIBBADDD EE U XIRAN FALDAMBIYEEDKA BURCADDA, ayaanu heshiis la gallay dawladda Seychelles, bishii April ee sannadkan 2011. Heshiiskaas waxaanu ku caddeynay, in Puntland ay diyaar u tahay inay soo dhaweyso soo celinta Somalida ku xiran Qurbaha ee Xukuman iyo kuwa aan xukunnayba, iyada oo aan loo eegayn qabiil iyo gobolka uu ka soo jeeddo, mar haddi ay caddahay inuu Somali yahay. Heshiiskaas ayaa dhaqan galaya markii la dhiso xabsiyada Puntland oo ay noqdaan heer caalamku u aqoonsado xabsi dhab ah.
Agaasimaha ayaa isagoo hadalkii sii wata, halkaa ku soo gudbiyey warbixin uu ka soo diyaarshey booqasho uu dhawaan soo booqday, maxaabiis Somaliyeed oo ku xiran Seychelles (63 Maxbuus), iyo Mombaasa, Kenya (150 maxbuus). Ugu dambeyntii, Mudane Ducaysane, ayaa caddeyey in Puntland ay ka dhabaynayso ballan qaadkeedii ahaa inay kala shaqaynayso dawladaha caalamka waddo a oo lagu dabar goyn karo Burcadda, diyaarna ay u yihiin inay heshiis la gasho dawladdii diyaar u ah inay soo celiso maxaabiista somaliyeed.
Wafuuddii ka kala socotay TFG, Puntland iyo martidii kale oo shirk aka qayb gashay oo sharci yaqaanno u badnaa, ayaa saaka goob joog ka ahaa, xukun lagu riday 11 dhallinyaro Somali ah oo lagu soo eedeeyey Burcad badeednimo.  Dhallinyaradaas ayaa lagu xukumay 10 sano midkiiba, waxaa ka go’I doona muddadii ay horey u xirnaayeen.
Puntlandi.com
post@puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>