Ceerigaabo (RBC) Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland oo haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa digniin u diray maamulka Puntland.
Xaabsade oo boqollaal ka mid ah dadweynaha reer Ceerigaabo maanta kula hadlay meel fagaare ah ayaa sheegay in Puntland aysan xaq u lahayn inay ka doodo booqashada madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo uu ku tegey gobolada Sool iyo Sanaag.
“Ragga Puntland ka hadlay ee yidhi sidee Axmed Siilaanyo u yimid Laascaanood waa iska hadleen, waxaan leeyahay Faanoole fari kama qodna. Madaxweynuhuna isagaa halkaas nagu hor fadhiya oo nagu haya ee waxanu gaadhaynaa Garowe iyo Yoocada, waxaana ninkii wax tuurtuurayow kuugu ballanqaadayaa markaad dhagax yar nagu soo tuurto inaannu adiga ku dhaafno”. ayuu yiri Xaabsade oo jawaab kulul ka bixiyey war saxaafadeed Puntland ku cambaareysay booqashadii Siilaanyo ee Laascaanood.
Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland taageero ka heley shacabka reer Sool aya ka muuqatay booqashadii uu ku tegey Laacaanood toddobaadkan bilawgiisii, wuxuuna intaa ku daray in Somaliland ka go’an tahay soo celinta xuduudaheeda.
“Nabaddu nin kastaba waa u dan. Shalayto Laascaanood markaynu isku qabannay saacad iskumaynu jirin halkaasaana nalaku hor fadhiistaye, ee waa idinka daba iman lahayn dalka Somaliland-na horena weligiis xad buu u lahaa imminkana waa leeyahay xadkiisii” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Cabdi Xaabsade.
Wasiir Xaabsade wuxuu dhanka kale u mahadceliyey dadweynaha magaalada Ceerigaabo isagoo sheegay in dadka reer Sanaag ay yihiin dad nabadeed oo jecel horumarka iyo amniga.
Hadalkan maanta uu jeediyey Axmed Xaabsade ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxweynaha Somaliland iyo wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo ay iminka booqasho ku marayaan gobolka Sanaag, iyagoo horana u soo booqday gobolka Sool. Waxaana booqashadan cambaareeyey maamulka Puntland oo ku tilmaamay mid daandaansi ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Raxanreeb, Hargeysa
↧
Axmed Cabdi Xaabsade: Ragga Garowe ka Hadlay Waxaan Leenahay Haddaad Joojin Weysaan Tuurtuuryada Waxaanu Tageynaa Garowe
↧