Sheekh Fu’aad Shongolle ayaa wuxuu maanta uu shaaca ka qaaday in uu ka qeyb qaadan doono dagaalada ka soconaaya magaaladda Muqdisho, isagoo sheegay in uu dagaalada uu ku Shahiidi doono.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Al Shabaab, oo maanta ka hadlay Masaajidka Nuureyn ee deegaanka Ceelasha Biyaha, ayaa wuxuu maanta uu hanjabaado uu ugu jeediyay Dowladda.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle”, ayaa wuxuu sheegay in magaaladda Muqdisho ay iminka soo gaareen ciidamo xoogan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, wuxuuna waxba kama jiraan uu ku tilmaamay in magaaladda Muqdisho xoog looga saaray Al Shabaab.
Fu’aad Shongolle ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay maal-maha soo socda qaadeyso dagaalo xoogan, dagaaladaasoo uu sheegay in uu ku dhiman doono amaba uu kaga adkaan doono Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom.
Wuxuu sheegay in dagaalada ay ku jiraan faa’iidooyin badan oo Janada lagu tagaayo, isla-markaana wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay dagaalada ka qeyb qaataan.
Si kastaba ha-ahaatee Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu rajo balaaran uu ka muujiyay in magaaladda Muqdisho ay ka saari doonaan Dowladda iyo Amisom.
↧
Sheekh Fu’aad Shongolle oo maanta hanjabaado culus u jeediyay Dowladda Soomaaliya
↧