Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta markii ugu horeysay ay ka hadashay afduub lagula kacay Shaqaalaha Hay’adda MSF ee ka hawl-galla Xerooyinka Qaxooti ee ku yaalla dalka Kenya.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas, oo warbaahinta u qabtay Shir Jaraa’id, ayaa wuxuu maanta uu si weyn uu u cambaareeyay afduubka loo-geystay Shaqaalaha Hay’adda MSF ee ka hawl-galla Xerooyinka Qaxootiga ee Dhabaab ee dalka Kenya.
Shaqaalahaan oo laga afduubtay Xerada Ifo Labo ee dalka Kenya, ayaa wuxuu Raa’isal Wasaare Gaas uu muujiyay, sida ay uga xun tahay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas,
ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay, in Dowladda Kenya ay kala shaqeyso, sidii lagu soo qaban lahaa buu yiri dambiilayaasha.
Dr Gaas ayaa wuxuu xusay in loo-baahan yahay in la-soo qabto oo maxkamad la-soo taaggo kooxdaasi, si buu yiri wax looga qabto dembiyada ay galleen, wuxuuna dhawr dheer uu ku soo cel-celiyay in la-soo qabto kooxdii afduubatay, oo uu sheegay inay dembiilayaal yihiin.
Dowladda Spain oo ka hadasahay tallaabada lagu afduubtay shaqaalahaan, oo laba ka mid ah ay u dhasheen dalkeeda, ayaa waxay cambaareysay tallaabada lagu afduubtay shaqaalahaasi, oo gargaar samafal ah u waday dadka Somaliyeed ee ku jira Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya.
↧
Dowladda Soomaaliya oo maanta ka hadashay afduubka loo-geystay shaqaalaha Hay’adda MSF ee dalka Kenya
↧