Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada Afmadow ee Jubada Hoose, iyadoo ciidamo iyo gaadiid dagaal ay lahaayeen labo jiho uga kala ambabaxeen degmadaas.
Sida wararku sheegayaan abaarihii 3-kii habeenimo ee xalay ayay isaga baxeen Shabaab, waxaana la tilmaamay inay qabteen dhanka wadada aado Kismaayo iyo Bu’aale ee Jubada Dhexe.
Sababaha ay uga baxeen ayaa lagu sheegay kadib marki ay ka war heleen ciidamo badan oo abaabulan oo ka tirsan dowldda iyo Raaskambooni oo ku soo dhawaaday iyo duqeymo ay baryahan ciidamada Kenya ka wadeen deegaanadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadan wada socda ee dowladda iyo Raaskambooni ay u jiraan Afmadow ilaa 30-km.
Al-Shabaab ayaa hada waxaa la sheegay in ay isugu uruureen magaalada Kismayo halkaasi oo ay doonayaan in ay difaacdaan, xilli ciidamada dowlada oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Kenya ay wacad ku mareen in ay qabsadan doonaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
↧
Al-Shabaab oo isaga baxay degmada Afmadow
↧