Gudoomiyaha barlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xersi
Gaalkacyo (RBC) Gudoomiyaha barlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xersi iyo xubno xildhibaano ah oo ka soo jeeda beesha Leelkase ayaa gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xubnaha xildhibaanada ee la socda gudoomiyaha barlamaanka waxaa kala yihiin Xildhibaan C/risaaq Yaasiin Cabdille Geesood iyo xildhibaan Maxamed Faarax Nuux (Maxamed Dheere). Waxayna xubnahan haaatan ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo.
Ilo wareedyo ku dhow masuuliyiintan ayaa u xaqiijiyey Raxanreeb.com in socdaalkooda uu la xiriiro kulamo ay la qaadan rabaan waxgaradka iyo odayaasha beesha Leelkase.
Muxuu ku saleysan yahay socdaalka Gudoomiye C/rashiid?
Gudoomiyaha barlamaanka Puntland mudane C/rashiid Maxamed Xersi ayaa haatan hormuud u ah sidii uu qeyb uga qaadan lahaa socodsiinta siyaasadda madaxweyne C/raxmaan Faroole ee gobolka Mudug, taasoo u muuqatay inay sii fashilmeyso tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii Garsoor ee dhacay 1-dii iyo 2-dii September.
Madaxweyne Faroole ayaa in badan isku dayey qorshayaal uu ku doonayey inuu ku kasbado beesha Leelkase uuna kaga hortago olole ballaaran oo beesha uga rinsaneyso masiirkeeda. Wuxuuna madaxweyne Faroole dhowr jeer u yeeray wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo kala ah C/khaliif Shiikh Xasan (Ajaayo) iyo Cabduqaadir Xaashi (Gaabane) oo ka soo jeeda beesha uuna u sheegay inay beeshooda ka soo dhaadhiciyaan siyaasada maamulka Garowe laguna qanciyo in tirada wasiirada ee beeshu ku leedahay dawlada loo kordhin doono (waa haddii ay ogolaato beesha qorshaha ku hoos jirida Puntland) arintaasi oo miro dhal noqon weyday. Waxayna arintaasi dhalisay in madaxweyne Faroole uu u weecdo dhanka gudoomiyaha barlamaanka C/rashiid Maxamed Xersi oo ah shakhsi sumcad ku dhex leh beesha isla markaana madaxweynuhu u arkay muhim in isaga loo diro beesha si uu wax uga soo dhaadhiciyo.
Mr. Gaabane iyo Mr. Ajaayo ma ahan rag waji fiican ku dhex leh beesha ay ka soo jeedaan tan iyo intii ka danbeysay duulaankii Madaxweyne Faroole ee uu kusoo qaaday Garsoor kuma guuleysan karaan inay meelmariyaan siyaasadda Faroole ee beesha ka leeyahay, sidaasi darteed ayey soo baxday baahi ah in la helo shakhsi u qareemi kara siyaasadda madaxweyne Faroole waana taa mida keentay in gudoomiyaha loo diro Gaalkacyo.
Soo jeedinta Faroole
Maadaama xukuumadda madaxweyne Faroole iyo beesha Leelkase aysan isku wanaagsaneyn tan iyo markii uu dhacay duulaankii Garsoor, ayaa Faroole wuxuu raadiyey bal sidii looga hortegi lahaa kala daadasho dhanka beelaha ah oo ku yimaada Puntland oo sanadkii 1998-kii lagu soo dhisay hab beeleed, iyadoo ay sii badanayaan tabashada beelaha ee dhanka caddaalad darrida xukuumadda dhexdeeda ka jirta taasoo ay dheer tahay in Faroole uu weeraray qabiilada qaarkood taana ay ceeldheer ku riday rajadii dadweynuhu ka qabeen maamulka.
Warar hoose oo Raxanreeb ka heshay ilo qarsoodi ah ayaa cadeeyey in madaxweyne Faroole u yeeray labada wasiir eek u jira xukuumadiisa ee ka soo jeeda Galdogob ee kala ah Gaabane iyo Ajaayo isagoo u sheegay inay beesha Leelkase dib ugu soo celiyaan maamulka, kuna qanciyaan in afar wasiir looga dhigo tirada wasiirada ee xukuumadda ugu jirta beesha.
Dhanka kale madaxweyne Faroole ayaa isaguna dhankiisa ka bilaabay olole uu durbaanka ugu tumayo maamulkiisa sii liciifaya xilli beelaha reer Puntland ay ka sii kala cararayaan siyaasadda caddaalad darida ku dhisan ee uu ku dhaqmo maamulka. Wuxuuna madaxweyne Faroole haatan u baxay safar dibadda ah isagoo soo mari doona wadamada Kenya, Ingiriiska iyo qeybo ka mid ah Europe si uu ula kulmo qurbejoogta gaar ahaan xubnaha maamulkiisa taageera ee degan Europe.
Si kastaba ha ahaatee, socdaalkan gudoomiyaha barlamaanka ayaan la ogeyn halka uu ku biyo shuban doono iyo waxa uu soo kordhin karo gaar ahaan hawsha uu madaxweynuhu uga diray dhanka beesha Garsoor. Wuxuuna dhanka kale ku soo beegmay xilli waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beesha Leelkase ay gudagaleen kulamo iyo wadatashiyo xiriir ah oo ku aadan sidi looga arinsan lahaa masiirka beesha iyadoo dhanka kale maamulka Puntland ay u caddaatay in talada beesha Garsoor ayan ahayn mid laga go’aamin karo gudaha balse ay qeyb weyn ku leeyihiin aqoonyahanjka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka qurbejoogta ah.
malyuun Cali
RBC Radio Nairobi
Raxanreeb.com
↧
Socdaalka Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland ee Gaalkacyo Muxuu ku Saleysan Yahay?
↧