Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Taliska Ciidamada Badda oo caawa soo bandhigay Doon hub siday iyo Ragg Ajaaniib la socotay (Daawo-Sawirada)

$
0
0

Ciidamada Badda Dowladda Soomaaliya ayaa qabtay doon siday hub taasi oo ay wateen rag Ajaaniib ah ayadoo fiidkii hore caawana isla Xeebta Liido lagu soo bandhigay doonidaasi iyo Ajaaniibta watay.
Admiral Faarax Qare Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya ayaa tilmaamay in doontan ay Ciidammada Baddu kusoo qabteen howlgal ay sameeyeen gelinkii dambe ee maanta islamarkaana ay doonta iyo hubkii watay gacanta lagu dhigay.
Ilaa 3 qof oo ajanabi ah oo 2 ka mid ah ay yihiin kenya midna uu yahay Tanzania waxaa hadda gacanta ku haaya Dowladda KMG ah.
Lama sheegin tirada hubka iyo noocyada uu ka kooban yahay sidoo kale lama sheegin halka hubkaas loo siday.
Muuqaalka Doonta la qabtay.
Laakiin ragga la qabtay ayaa isku magacabay inay yihiin Kalluumeysato ka kalluumeeysaneyey xeebaha Jasiiradda Sinsibaar balse ay sahaydii ka go’day balse degmada Baraawe ee gobolka Jubada Hoose ay cunto ka soo qaateen.
Degmada ay cuntada ka soo qaateen waxaa maamula kooxda Al Shabaab waana adag tahay in kooxdaas dad ajanabi ah intay arkaan ay ku sii daayan iyadoo aan waxba ka dhaxeynin.

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
Doonida la qabtay oo muuqaalo dheer ah
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>