Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Cudurka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay Magaalada Gaalkacyo

$
0
0


Wasaarada Caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaqday in cudurka shubanka uu ka dilaacay Magaalada Gaalkacyo siiba dhanka galmudug.
Xeryaha Qaxootiga magaaladaas ayaa laga soo sheegayaa in ay cudurkani u jiifaan dad aad u tiro badan oo u badan caruur iyo dad da’ ah, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka wasaaada Caafimaadka Maamulkaasi.
Maanta ayaa waxaa la gaarsiiyay dawooyin loogaga hortagayo cudurkaasi qaar ka mid ah xeryaha ku yaala magaalada taas oo ay gaarsiiyeen maamulka iyo qaar ka mid ah Dhaqaatiita gobolka.
Cudurkan shubanka ayaa waxa uu ka dhashay ka idb markii dhowaan magaalada Gaalkacyo ay ka de’een roobab lixaadleh kuwaas oo dumiyay sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka suuliyadii ku yaalay xaafadaha qaar kuwaas oo aan horay u adkeen ka dibna ay dhaliyeen in uu faafo cudurka shubanka saameyna ku yeesho dadka ku dhaqan xerayaha qaxooti.
Sikastaba ha ahaatee xaalada dadka uu haleelay cudurkan shubanka ayaa laga deyrinayaa inkastoo aan ilaa iyo haatan la soosheegin dad u geeriyooday .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>