Wadaadka lagu magacaabayo Xasan Turki oo in muddo ahba warkiisa iyo wacalkiisa la la’aa ayaa fariin maqal ah oo xalay laga sii daayay Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ee Al-Andulus waxaa kaga hadlay fara gelinta Ciidamada Kenya ku soo sameeyeen gudaha Soomaaliya.
Xasan Turki oo hadaladiisa laga dareemayay itaal yari xaga da’da ah ayaa ku tilmaamay soo gelitaanka Ciidamada Kenya mid duulaan ku ah dhulka muslimiinta, isagoo ku baaqay in laga hortago.
“Duulaanka ay sameysay Kenya waa la mid yahay duulaanadii hore ee ballaarnaa, waa in mujaahidiinta u diyaar garoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen”ayuu yiri Xasan Turki.
Waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Ragga iyo dumarka ay qaataan doorka jihaadka, waxaana uu cadeeyay in tallaabooyinkaas ay noqdaan kuwo lagu difaacayo Diinta iyo dalka.
Xasan Turki ayaa u sheegay ciidamada Kenya inay wajihi doonaan dhibaato daran oo xanuunka xabada ah, waxaana uu ugu baaqay inay isaga baxaan dhulka muslimiinta ay soo galeen.
Al-Shabaab oo ay awoodooda sii wiiqmeyso ayaa waxay luminayaan deegaano fara badan oo horay uga talin jireen, waxaa maalmihii la soo dhaafay laga qabsanayay dhul badan.
Jubooyinka oo ahaa meelihii ay aadka ugu xooganaayeen, ayaa hada waxaa laga qabsaday deegaano badan, waxaana lagu wajahan yahay dhinaca Kismaayo.
↧
Xasan Turki “Duulaankan wuxuu la mid yahay duulaanadii hore ee ballaarnaa, Ragg iyo Dumar doorka Jihaadka ha qaateen”
↧