Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka warbixiyay howl galada xowliga ku socda ee maalmahan ka bilowday Jubooyinka, iyagoo ka dhawaajiyay istiraatiijiyada cusub ee ay hiigsanayaan.
Jen. Yuusuf Xuseen Cismaan oo loo yaqaano Dhuumaal ayaa sheegay in qorshaha koowaad ee aaga dagaalka uu yahay mid maalmaha soo socda lagu gaaro deegaanada Jubada Dhexe oo aanay wali dowladda cagta gelin.
Waxaa uu sheegay in maalmahan diyaar garowga ahaa mid ballaaran oo ilaa meelo badan isku xirnaa, isagoo xusay in ciidamada dowladda ee dhinaca Ceel-waaq ku sugan ay ka sugayaan inay u dhaqaaqaan dhinaca Busaar, fafax dhuun ilaa Baardheere.
“Aagaga waa ballaarin yihiin falaarta koowaad waa dhankaas iyo Kulbiyow, Badmadow ilaa Badhaadhe, dhankan Ceel-waaq waa ka dhaqaaqayaan, dhinaca Afmadow waa ka sii caraabeynaa”ayuu yiri Dhuumaal oo horay u ahaa Taliyihii ciidamada milateriga Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in duulaankan ay iska kaashanayaan Ciidamada ka socda Raaskambooni iyo kuwa xooga dalka ee lagu soo tababaray dhanka Kenya, kuwaasoo uu cadeeyay in deegaano badan ay hada la soo wareegeen.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa ku siqaya deegaano badan oo Jubooyinka ka mid ah, iyadoo Ciidamada Kenyan oo wata diyaarado dagaal ay garab siinayaan.
↧
Saraakiisha Dowladda oo sheegay inay maalmaha soo socda ku wajahn yihiin Kismaayo
↧