Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay siyaabooyin kala duwan ay u hadal-hayaan Ciidamadda Dowladda Kenya ay soo gallay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo qaarkoodna ay si weyn uga soo horjeesteen.
Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay taageereen in Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo gallaan dalka Soomaaliya, iyadoo qaarkoodna ay taasi si weyn uga soo horjeesteen.
Xildhibaanada oo warbaahinta siyaabooyin kala duwna ula hadlay, ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan cid walba oo ka qeyb qaadaneysa in lala dagaalamo Xarakada Al Shabaab, maxaa yeelay bay yiraahdeen Shabaab waxay cadow ku yihiin Ummada Soomaaliyeed.
Xildhibaanada ayaa waxay qaarkood ay lee-yihiin way wanaagsan tahay in lala dagaalamo Xarakada Al Shabaab, hadana waxayna lee-yihiin waxaa wanaagsanaan laheyd in Baarlamaanka Soomaaliya fasax laga qaato.
Xildhibaanada ayaa waxay ku hanjabeen inay yeellan doonaan kullan deg deg ah, oo ay uga soo horjeedaan Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo gallay dalka Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa waxay shalay qiratay in Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo galleen dalka Soomaaliya, kuwaa oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka, ayna wehlinayaan diyaaradaha Helicopterska ah.
↧
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo siyaabooyin kala duwan uga hadlay Ciidamadda Kenya ee soo gallay Somaliya
↧