Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada Kenya oo gacanta ku dhigay labo ruux British ah .

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa qabtay labo nin oo Biritish ah oo loo malaynayo inay ku biiri rabeen xarakada Al-shabab xili baaritaano ay ka wadeen degaanka Lamu oo ah Jaziirad loo dalxiistago oo ku taala wadanka Kenya,
Afhayeenka Police-ka Kenya u hadlay oo lagu magacaabo Ambrose Munyashi ayaa sheegay in labada nin ay soo qabteen laga helay passaporo Ingiriis ah qorshahooduna uu ahaa inay ka talaabaan xadka Kenya ay la wadaagto Somaliya si ay ugu biiraan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Alshabab kuwaas oo kusugan gobolo aan ka fogeyn xuduuda wadanka Kenya ee dhanka Somaliya,
 
Xariga ragan ayaa imanaya xili howlgalo milatari ay ka bilowday dowlada Kenya xuduudaha ku teedsan ee wadanka Somaliya kaas oo jawaab u ah weeraro dad shisheeye ah lagu soo afduubtay oo ka dhacay gudaha dalka Kenya taa oo ay dowladda Kenya aaminsantahay in laga soo abaabulay gudaha dalka Soomaaliya
 
Mana ahan markii ugu horaysay oo ay dowladda Kenya qabqabato dad lala xiriirinayo inay xiriir la leyihiin xarkada al shabab oo dagaalo kala soo horjeeda dowladda kmg iyo ciidamada AMISOM.iyadoona arintan ay ku soo aadayso waqti xarakada al shabab iyo dowladda Kenya ay dagaal dhanka warbaahinta ah isku adeegsanayaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles