Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Taliska Ciidamadda Dowladda oo sheegay inay meel wanaagsan wax u marayaan, ayna cagta marin doonaan Al Shabaab

$
0
0

Taliska Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Jubooyinka ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay meel wanaagsan wax u marayaan, ayna qorsheynayaan inay dagaalo culus ku qaadaan Xoogaga Shabaab.
Taliyihii Hore ee Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Yuusuf Xuseen Dhuumaal “General Dhuumaal”, ayaa wuxuu sheegay inkastoo ay dagaalo xoogan kula jiraan Al Shabaab, ay dhawaan soo afjari doonaan dagaalada.
Taliyihii Hore ee Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Yuusuf Xuseen Dhuumaal “General Dhuumaal”, ayaa wuxuu sheegay inay wadaan qorshayaal balaaran oo ay Xarakada Al Shabaab uga saarayaan Gobolada Jubbooyinka.
Wuxuu sheegay in aagag badan oo dagaalo ah ay Xarakada Al Shabaab uga fureyn dhawr Jubbooyinka wuxuuna ku kala sheegay Afmadow, Badhaadhe iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhinaca Gobolka Gedo ay Xarakada Al Shabaab uga fureyn dhawr aagag ah, isagoo sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya iyo kuwa Dowladda Somaliya ay wada jooggaan degmada Ceelwaaq, kuwaa oo uu sheegay inay dagaalo xoogan ku qaadi doonaan Shabaabka ka dagaalama Gobolka Gedo.
Taliyihii Hore ee Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Yuusuf Xuseen Dhuumaal “General Dhuumaal”, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in maalmo kooban gudahood la-maqli doono war farxad leh.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>