Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Jabhadda Raaskambooni oo sheegtay in dagaalada ay ku soconayaan sidii loogu talla gallay

Taliska Ciidamadda Raaskambooni ayaa waxay sheegeen in dagaalada lagula jiro Xarakada Al Shabaab uu ku soconaayo sidii loogu talla gallay, waxayna sheegeen inay dhawaan soo afjari doonaan dagaalada culus ee ay kula jiraan Al Shabaab.
Taliyaha Guud ee Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni Sheekh Maxamuud Sheekh Khaalid, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni ay gaareen degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha Guud ee Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni Sheekh Maxamuud Sheekh Khaalid, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya, Ciidamadda Dowladda Somaliya iyo Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni ay soo gaareen gudaha degmada Afmadow.
Sheekh Maxamuud Sheekh Khaalid ayaa wuxuu sheegay inay dagaalada ku soconayaan si wanaagsan, ayna dhawaan Xarakada Al Shabaab ka saari doonaan goobaha uu sheegay inay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gobolka Gedo.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa lagala dagaalamayaa dhulka iyo cirba, isla-markaana waxaa laga saaray aagag badan oo ay kaga sugnaayeen Goboladaasi, waxaana la-dhihi karaa Al Shabaab dagaalada waa lagu jabiyay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>