Muqdisho-GMN-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada dalka kenya ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya.
Musawatangula wasiirka arimaha dibada ayaa garoonka magaalada muqdisho waxaa ku soo dhaweyey madax ka tirsan dowlada kmg soomaaliya.
Xubanahani wasiirada ayaa kulamo loogu hadlayo arimaha soomaaliya gaar ahaan ciidamada kenya ee gudaha soomaaliya soo galay waxa ay madaxtooyada ay kula leeyihiin madaxda sare ee dowlada.
Masuuliyiintani ayaa la filayaa marka ay kulankooda soo dhameystaan inay la hadlaan warbaahinta oo heegan ku ah halka uu kulanka ka soconayo.
Waa markii ugu horeysay oo wafdi heer sara ah ay soo gaaraan magaalada muqdisho tan iyo marii dowlada kenya ay shaacisay in gudaha ay u soo gashay soomaaliya
Dhawaan ayey eheyd markii dowlada kenya ay ciidamadeeda soo galisay gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan gobolada Gedo iyo jubooyinka oo ay ka dhacayaan dagaalo xoogaan.
wixii warkani ku soo kordha kala soco
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
↧
Mosas watangula oo Muqdisho soo gaaray
↧