Wasaaradda Haweenka iyo arimaha Qoyska ayaa maanta deeq gargaar ah u qeeybisay dad naafo ah.
Wasiirka wasaaraddaasi Maryan Aweys Jaamac ayaa maanta xafiiskeeda deeq lacag ah ku guddoonsiisay ilaa iyo 20 cuuryaamiin ah kuwaas oo intooda badan indhoolayaal ahaa.
Maryan Aweys wasiirka wasaaraddaasi ayaa tilmaantay in Wasaaraddu ay deeqdani ugu talagashay dadkan cuuryaamiinta ah, balse sida ay sheegtay aysan dabooli karin baahidooda isla markaana aysan wada gaarsiin karin dhamaan curyaamiinta.
“anigu indhoole ayaan ahay waana ku faraxsannahay deeqdan ay na siisay wasiirka Haweenka maadaama aan nahay dad cuuryaamiin ah oo aan awoodin in ay shaqeeystaan “ayuu yiri mid ah cuuryaamiintaasi oo la hadlay Radio Muqdisho.
Ma aha markii ugu horreeysay ee wasaaraddaasi ay deeq gargaar ah u qeybiso dad cuuryaamiin ah hore ayaa wasaaraddu gargaar u gaarsiisay dad indhoolayaal ah.
↧
Wasaaradda Haweenka Oo Deeq U Qeybisay Cuuryaamiin
↧