Garowe(Puntlandi.com);- Xarunta Laybareeriga ee magaladda Garowe maanta waxa ka dhacey kulan ay soo qaban qaabisey hay’adda daryeelka Bulshadda uqaabilsan Puntland,kulankaasi oo lagu soo bandhigeyey tirakoobka guud ee caruurta agoomaha ah ee ku nool deegaanadda Puntland ,waxaana la sheegey in tiradda caruurta agoomaha ah ay dhan tahey sadex boqol iyo toban kun oo caruur ah(310,000).
Tiradda agoomaha ee la soo bandhigey ayaa la sheegey in labo kun oo kamid ah ay yihiin ardey,sida uu sheegey agaasimaha guud ee hay’adda daryeelka Bulshadda Puntland C/shakuur Maxamud Gurey,isagoo sheegey in tirada agoomaha Puntland ay tahey mid saa’id.
C/shakuur Gurey ayaa shaaciyey in caruurtaasi agoomaha ah loo bahan yahey in laga saacid arimo baddan oo ku taxaluqa nolashooda,sida Caafimaadka,Waxbarashadda iyo koorkiinkooda.
Waa tira koobkii ugu horeeyey oo ay hay’adda daryeelka Bulshadda Puntland ay ku samayso tirada caruurta agoomaha ah ee ku nool deegaanadda Puntland,ayadoo hay’adda la aas aasey bartamihii bishi May ee sanadkii 2009.
Mtimire Puntlandi Garowe.
↧
Sadex boqol iyo toban kun oo caruur agoomo ah ayaa ku nool Deegaanadda Puntland waa tira koob ay samaysey Hay’adda Daryeelka Bulshadda Puntland.
↧