Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya iyo Xubno kale oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

$
0
0

Waxaa maantay barqadii Caasimada magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Kenya, waxayna haatan wafdigaasi kullan albaabada u xiran Madaxtooyada kula qaadanayaan madaxda ugu saraysa dowladda KMG Soomaaliya.
Kadib diyaarad qaas ah oo siday wafdigaasi uu horkacyo wasiirka Arrimaha Dibada Kenya oo ay wehliyaan Wasiiro uu ka mid yahay Gaashaandhiga dalkaasi ayaa waxay ka soo dageen barqadii maantay Garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaasi kus oo dhaweeyey Xubno ka tirsan golaha Wasiirada xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Wetangula uu hogaaminayo ee soo gaaray Muqdisho waxaa loo malaynayaa socdaalkooda inuu la xariiro arrimaha Soo gelitaanka CiidamadaKenyadalka Soomaaliya.
Sidoo kale wafdiga waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Amp: Maxamad Cali Ameerika iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada dalkaasi, lamana oga natiijada ka soo baxday kullanka ay la qaadanayaan madaxda dowladda KMG Soomaaliya, waana mid albaabada u xiran oo Saxaafadu banaan joog ka tahay.
Waxaa la filayaa gaba gabada kullanka in warbixin dheer laga soo saaro imaatinka wafdigan ka socda dalka Kenya, waxayna ku soo aadayaan imaatinkooda xili maalinimadii shalay dowladda Kenya ay qiratay in ciidamada dalkeeda ay galeen Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Xarakada Alshabaab oo ay ku eedeysay in ay dalkeeda ka soo qafaashaan Ajaaninta dalxiisayaasha iyo kuwa samafalka.
 
 
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>