Wasiirrada arrimaha dibedda iyo gaashaandhiga ee dowladda Kenya ayaa maanta booqasho ku tagay Muqdisho.
Wasiirradan ayaa kulan la qaatay madaxda dowladda Soomaaliya. Kullamadaasi kaddib ayay saxaafadda u sheegeen in labada dhinac ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Labada dhinac waxay sheegeen in kooxda Al-Shabaab ay halis ku tahay amniga Somalia iyo waliba Kenya.
Labada dhinac waxay beeniyeen in ciidamo ka socda Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, balse waxay xuseen in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu soo tababaray Kenya ay yihiin kuwa haatan dagaalka kula jira kooxda al-Shabaab ee deeggaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.