Dowladda Kenya ayaa waxay shaaca ka qaaday inay iyadu ka dambeysay duqeymo shalay loo-geystay magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxayna sheegtay inay ku baacsaneysay Al Shabaab.
Raa’isal Wasaaraha Dowladda kenya Rayla Odinga, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya ay iyadu shalay fullisay weerarada loo-geystay magaaladda Kismaayo, taasoo uu sheegay inay ku baacsanayeen dagaal-yahanada Al Shabaab.
“Weerarada shalay ka dhacay magaaladda Kismaayo anaga ayaa fullinay, waxaana gacan nagu siisay mid ka mid ah Dowladda Reer Galbeedka” ayuu yiri Raa’isal Wasaaraha Dowladda kenya Rayla Odinga.
Wuxuu sheegay in Dowladda Kenya ay dooneyso inay sii wado la-dagaalanka Xarakada Al Shabaab, wuxuuna sheegay in Al Shabaab ay tahay koox dhibaato badan abuureysa, isla-markaana wuxuu ku goodiyay inay cagta marin doonaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay ka nabad hesho khatar uu sheegay inay uga imaaneyso dhinaca Xarakada Al Shabaab, oo uu ku sifeeyay kuwo xiriir la-leh kooxda tunka weyn ee Al Qaacida.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xalay sheegtay in duqemahaasi ay fulliyeen diyuuradaha dagaalka ee Dowladda Kenya, waxayna ku hanjabtay inay ka aar-gudan doonaan Dowladda Kenya.
↧
Raa’isal Wasaaraha Dowladda kenya oo sheegay in shalay ay Kenya duqeysay magaaladda Kismaayo
↧