Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Faransa oo sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso dagaalada lagu burburinaayo Xarakada Al Shabaab

Dowladda Faransa ayaa waxay maanta shaaca ka qaaday inay ku biireyso la-dagaalanka Xarakada Al Shabaab, oo ay sheegtay inay dhibaatooyin baaxad leh ka wado gudaha dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba.
Dowladda Faransa ayaa waxay daboolka ka qaaday inay qorsheyneyso in Xarakada Al Shabaab ay burburiso, waxay kaloo sheegtay inay gacan balaaran ka geysaneyso qorshayaasha lagu ciribtiraayo Al Shabaab.
Diblomaasi u hadlay Dowladda Faransa oo ku sugan magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Faransa ay isku diyaarisay in Xarakada Al Shabaab ay la-gasho dagaalo xoogan.
Wuxuu sheegay in xeebaha Soomaaliya ay u direen markab dagaal, kaasoo uu sheegay in uu gacan ka geysan doono duqeymaha dhinaca cirka ah ee la-damacsan yahay in laga fulliyo deegaanada ay gacanta ku heyso Al Shabaab.
Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa waxay soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Dowladda Faransa, waxayna Dowladda Kenya sheegtay inay haboon tahay in loo-midoobo dagaalada lagula jiro Xarakada Al Shabaab.
Si kastaba ha-ahaatee waa markii ugu horeysay oo ay Dowlad Yurbeed sheegato inay duqeymo ka geysaneyso gudaha dalka Soomaaliya, duqeymahaasoo ay sheegtay inay ku baacsan doonto Al Shabaab.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>