Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Yugandha oo shaacisay in ay ka warheysay soo gelitaankii ciidamada Kenya ee soomaaliya.

Dowladda Yugandha ayaa waxay sheegtay inay ka warhayeen soo galitaanka ciidamada Milatariga dowladdaKenyaee gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo hadda howlgalo balaaran ka wada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Afhayeenka ciidamada Yugandha Col. Felix Kulayigye ayaa sheegay in go’aankii ay dowladda Kenya ciidamadeeda ugu soo dirtay Soomaaliya ay cadeyn u tahay sida uu yiri  in dhibaatada dalka Soomaaliya ay tahay mid khuseysa gobolka geeska Afrika iyo dhamaan qaraadda Afrika, balse aysan quseyn oo keliya Yugandha iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Mr. Felix ayaa sidoo kale sheegay inay ka warhayeen inKenyaay ciidamadeeda soo galayaan gudaha Soomaaliya oo ay ku soo biirayaan howlgalka Midowga Afrika ee nabadda loogu raadinayo sida uu yiri dalka soomaaliya.
“Ka hor inta aysan dunida ogaan go’aanka ay dowladda Kenya ku soo gashay Soomaaliya waxaa jiray xariiro dhowr ah oo aan wada yeelanay Kenya, kuwaas oo ku saabsan soogelitaanka militerigeeda ay soo galeen dalka Soomaaliya, hadda si dhow baan ula soconaa talaabo kasta oo ay qaadayaan ciidamada Kenya ee ku sugan gobolada Jubooyinka” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Yugandha Felix Kulayigye oo la hadlay Saxaafadda.
Afhayeenka ciidamada Yugandha Felix Kulayigye ayaa ugu dambenytii sheegay in dalka Yugandha iyo kuwa kala ee geeska Afrika ay u soo jeesteen sida uu ku dooday wax ka qabashada xaaladda amni darro ee ka taagan dalka Soomaaliya, taas oo saameyn ku yeelatay geeska Afrika.
Dowladda Yugandha ayaa waxay ka mid tahay dalalka ku lugta leh howlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii, iyadoo ciidamo gaaraya ilaa 9,000 oo askari oo ka kala socda wadamada Yugandha iyo Burundi ay ka garab dagaalamayaan ciidamada dowladda KMG oo dagaal kula jirta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye iyo jiritaanka dwladda KMG.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>