Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ahlu sunah oo dagaal guulo ka sheegtay siina wada dagaalka bisha ramadan

$
0
0

Sarkaal u hadlay ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee gobolka Banaadir Shiikh Maxamuud  Axmed Shuuriye oo dhinaca khadadka Idaacadaha Shir  Jaraa’id ugu qabtay ayaa ka hadlay ayaa sheegay iney ka dambeeyeen dagaal shalay ka dhacay degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Sheikh Maxamuud ayaa sheegey in dagaalaaasi ay ka gaareen Guulo Milatery isla markana dhinacyadii ka soo hor jeedey ee Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin iyo Xisbul Islaam ay ka hor tageen weeraro ay ku soo qaadeen fariisimadooda.

Xoghayaha Maamulka ee ahlu sunna ee gobolka Banaadir ayaa sheegey in illaa Sedax Ciidamadiika soo hor jeeday ay dagaalkaas ku dileen isla markaana ay ak dhaawaceen waa siduu hadalka u yiriye illaa Shan ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday.

Shiikha  ayaa sheegey in dhankooda uu dagaalkaas kaga dhintay hal ruux wax dhaawac ah oo ka soo gaarayna uusan jirin.

Sheikh Maxamuud ayaa intaa ku daray ka gadaal markii ay ka war heleen dagaalo abaabulan oo ay soo wadaan dhinaycada ka soo hor jeeda inay ka hor tageen isla markaana dhirbaaxo culus ay ku dhufteen kooxihiii ka soo hor jeedeey waa siduu hadlka u dhigaye.

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ciidamada Ahlu Sunna Wal Jamaaca meel walboo ay Dalka ka joogaan ay u diyaar garoobeen Bisha Barakaysan ee ramadaan in ay qaadaan Dagaal uu ugu Yeeray Jihaad kaasoo uu sheegey inay ku qaadayaan XCoogagga Xisbul Islaam iyo XCarakada Shabaabul Mujaahiddiin.

Xoghayaha ayaa ugu yeerey shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan Dagaalka ay ku qaadayaan waxa uu ugu yeeray Cadowga ku soo duulay Dalka, Diinta iyo dadka Soomaaliyeed isagoona hoosta ka xarriiqay in dagaalkan ay rajaynayaan inuu noqdo kii guusha waa siduu hadalka u yiriye.

In kastoo culumaa’uddiinka ahlu sunna dagaaladii shalay ay guulo ka sheegteen haddana waxaan arrintaa ka hadal dhinacyadii kale ee dagaalka ku jirey waa xarakada shabaabul Mujaahiddiin iyo Xisbul Islaam oo uu maamulku sheegey in labadooduba ay soo qaadeen duulaano.

Dagaalkii shalay ayaa sida la sheegey waxaa ku dhintay illaa afar qof oo rayid ah halkaa illaa siddeed kalena ay ku dhaawacmeen Rasaastii ay Is weeydaarsanyeen dhinacyada dagaaliu u dhaxeeyey.

Si kastaba waxaa deggan saaka goobihii shalay illaa xalay dagaalada iyo duqeymaha ay ka dhacayeen iyadoo dhaq dhaqaaqa dadka iyo ganacsiguna uu yahay mid gaabis ah maadaama ay manta tahay maalinimo jice ah oo dadka intiisa ka badan guryahooda ay ku negei yihiin


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>