Muwadiniin somaliyeed oo sida la sheegay ka cararayey dagaalka ka holcaya meelo kamid ah dalka Somalia ayaa ciidamada Kenya ee Xaduuda jooga qabteen isla markaasna xireen sida ey sheegeen dadka degaanka xaduuda ka agdhow.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadkaan Soomaalidaa ay doonayeen in ay gaaraan gudaha wadankaasi Kenya waxaana dadkaan ay tiradoodu gaaraysaa ilaa iyo tomaneeyo ruux.
Ciidamada dowlada Kenya ayaa ayagu waxa ay si aad ah u adkaynayaan xuduuda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya, waxaana arintaan ay ka danbaysay ka dib markii dhowaan qaraxyo xoogan ay ka dhaceen magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda qaraxyadaasi oo ay sheegeteen in ay ka danbeeyeen xarakada Al-Shabaab.
Dadkaan ay qabteen ciidamada amaanka ee wadanka Kenya ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhamaantood xabsiga loo taxaabay.
Ma,ahan mid cusub in ciidamada amaanka ee wadanka Kenya ay qab qabtaan dad soomaali ah iyagoo iskau dayaya iney galaan dalka kenya.