Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

NATO oo soo afjareeysa Howlgalkeeda Libya

$
0
0

Gaashaan buurta NATO ayaa sheegtay ineey soo afjareeyso howlgalkeeda milatari ee muddada todobada biloodka ah ay ka waday dalka Libya

Wasiir ka socday dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa Shalay oo jimca aheyd ansixiyay Qaraar soo gabagabeeynaya howlgalka Libya todobaadka soo socda.

Cod ay qaraarka u qaadeen, ayeen Nato soo saartay, go’aan horu dhac ah oo qeexaya in howlgalkeeda ay soo gabagabeeyneeyso 31 ka bishan October

Hogaamiyaasha maamulka KMG ah ee Libya ayaa ku booriyay isbaheeysiga inuu balaariyo howlgalkiisa ilaa iyo dhamaadka sanadkan, sababo la xiriira walaac ay ka qabaan dhinaca amaanka

Dhinaca kale , Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa sheegay in xiriir aan rasmi aheyn lala sameeyay  Seif al-Islam Gadhafi,  oo ah wiil uu dhalay hogaamihii geeriyooday ee Libya Moammar Gadhafi, kaasoo haatan baxsad ku jira.

Dacwad oogaha Luis Moreno-Ocampo ayaa sheegay in dad dhex dhexaad ka ah arinta ay xiriir la sameeyeen  Seif al-Islam Gadhafi, si eey ugu xaqiijiyaan inuu heli doono xukun Cadaalad ah


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>