Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shacabka Raas kaambooni oo saakay ku soo toosay shanqarta cagafcagafyada ciidamada Kenya: Waa maxay sababtu?

$
0
0
 
 
Dadka degaanka oo intoodi badnaa ka carareen magaalada kadib markii lagu soo daadiyey ciidamda badda ee dalka Kenya ayaa intoodi yarayd ee ku hartay magaalada Saakay la yaabeen sababta ey Kenya dhulkooda u dhisineyso iyada oo aan laga la tashan.
Dadka degaanka ayaa sheegay iney arkeen laba cafag cafag oo kuwo ciidamada ah iyo dhowr baabuur oo caro ka qaadaya degaanka iyadoo aan la ogeyn sababta keentay dhismaha xilli ey sheegayso dowaladda Kenya iney wadanka u timid iney la dagaaleyso Alshabaab oo keliya.
Ciidamada Badda Kenya ayaa hore u soo galay magaalada maalmihii la soo dhaafay iyadoo sidoo kale u daabulay badda Somalia dhowr doomood oo ah ku dagaalka oo gudaha u galay bada jamhuuriyada Somalia.
Ciidamda Militariga Kenya ayaa gudaha u galay dalka Somalia illaa iyo 90 Kilimitir iyadoo shalay galay tuulada Buusaar ee gobolka Gedo.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia ayaa horey u sheegay in eysan ciidamda Kenya si sharci ah ku soo gelin Dalka Somalia iyada oo aan la ogeyn mandate ey ku soo galeen dalka iyo goorta ey ka baxayaan midna.
Dhanka kale qabaailka soomaaliyeed ee gobolada Koonfureed kuwooda dibada ayaa abaabulaya ku dhawaaqidda jabhada xurreyta gobolada Koonfureed ee SOmalia iyada oo uu socdo abaabul ku aadan arintaas.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>