Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Muqdisho: Saldhig AMISOM oo la Weeraray

$
0
0

Weerar is-miidaamin ah ayaa maanta lala beegsaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Saldhigan ayaa ku yaalla xerada Jarmalka ee wadada jidka Warshadaha.

Afhayeenka Ciidamada AMSOM, Paddy Ankunda ayaa VOA u sheegay in weerarkan ay geysteen rag hubeysan oo isku soo xidhay suumanka ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa isla markaana ay labisnaayeen dharka ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uulliyada  weerarkaasi.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in labadii qof ee weerarka geystay la dilay sidoo kale uu jiro khasaare soo gaadhay ciidamada AMISOM, balse afhayeenka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahiyo khasaaraha soo gaadhay ciidamadooda.

Afhayeenka ayaa sheegay in ujeedada weerarkani uu ahaa in kooxda Al-shabaab ay dib u qabsato deeggaamadii laga saaray ee ku yaalla agagaarka wadada jidka warshadaha.

Ma ah markii ugu horreysay ee weerar ismiidaamin ah lala beegsado saldhigyada ay degan yihiin ciidamada AMISOM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>