Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Badbaadada Qoyska oo u dhaxeysa Massayrka & Shakiga

$
0
0

Badbaadada Qoyska oo u dhaxeysa Massayrka & Shakiga
W/Q.: Xuseen Baashaa
RBC Radio
Kampala Ugandha
Sadarradu waxay sheegayaan: (In uu ka gaaray darajo sare xagga Aqoonta, wuxuuna ka soo jeedaa Qoys aad & aad uga fog ku dhaqanka Nidaamka ku dheehan  cadaawadda. Wuu guursaday waxayna ahayd xaaskii seddexaad ee soo marta noloshiisa, waxayna ka yarayd isaga 27sano, wuxuuna la noolaa sanado aan badnayn, kadib markii uu  noqday mid aan karayn arrimaha guurka, Xaaskuna ay ahayd mid aad u qurux badan, Noloshiisii baa markaa isu beddeshay Jaxiima, Shakiga & Massayrkuna waxay noqdeen kuwa ku soo dhaca maskaxdiisa ilbiriqsi kasta, iyagoo ku was-waasinayey in ay Xaaskiisu khiyaamaynnayso, oo gogol-dhaaf samaynnayso, markaasuu ku dhiirraday in uu dilo iyada & wiilkii yaraa ay isaga u dhashay).
Ninku wuu gafsan yahay goorta uu u malaynnayo in ka shakinta xaaskiisa ay tahay nooc ka mid ah Massayrka, maxaa yeelay Shakiga xummi waa shay, Massayrka Shareecada waafaqsanna waa shay kale, Massayrku waa hab-dhaqan ka mid ah Dabeecaddaha Beni-aadamka & Xayawaankaba,  wuu massayraa Beni-aadamku, Xayawaankuna wuu massayraa, balse Beni-aadamku wuu xakameeyaa massayrkiisa oo wuxuu ka dhigaa mid u adeega dhanka wanaagsan, markay qaabkaas oo kale tahayna waxay ka mid noqtaa Asbaabaha keena in la helo degenaansho qoyseed, waa haddii ay tahay mid aan ka soo tallaabin xudduudeeda sida ku sugan Xaddiiska Shariifka ah.
Balse Shakigu waa Cudur burburinnaya Aqallada, halaagayana Nafta, keennayana Khatar & Meel ka dhac.
Diinta Islaamku si xikmad ku jirto ayey u jidaysay in la dhawro Xasilloonida & Badbaadada Qoyska, iyadoo loo sii maraayo qaababka ay ka midka yihiin:-
In aad looga fiirsado xulashada Xaaska & Saygaba inta aanu dhicin Nikaaxa Guurka.
Wuxuu yiri rasuulku (S.C.W.):- (Haweennayda wanaaagsani waa midda markuu ninkeedu eego farxad gelisa, haddii uu ka maqanaadana xafidda Nafteeda & Hantidiisa, hadduu wax amrana addeecda). Haddaba Nolosha Qoysku haddii ay ahaato mid bad-qabta oo leh aasaas adag, waxaa ka dhasha Qoys hagaagsan, oo xasilloon, Niyaddiisuna sarrayso.
In labada is qaba uu mid kasta si dhammaystiran uga soo baxo xaqqa uu midka kale ku leeyahay, sida Shareecada Islaamkuba ay ammartay labadooda, isla markaana is xaq-dhawraan, isu dulqaataan, is jeclaadaan, isuna ceeb asturaan.
In ragga & dumarkuba ay indhahooda ka laabaan wixii ay xaaraan tahay in la eego, sida ay Shareecadda Islaamkuba qabto , isla markaasna ku dadaalaan : Dhawrsoonaanta, Toosnaanta, ilaaalinta Xubinta taranka, ka fogaanshaha Sinada, & Raaxaysiga xaaraanta ah.
In lagu dadaalo guurka, maaddaama uu yahay waddada dhabta ah ee Dhawrsoonaanta,Toosnaanta & Midnimada Qoyska, sida diintuba inoo sheegtay.
Assalka Xiriirka Qoysku waxa weeye: in uu ahaado mid daa’im ah, oo sii socda, naxariis & iskaashina ku dhisan, & wanaag & isu dulqaadasho lagu wada noolaado. Wuxuu alle (S.W.) ku yiri Qur’aankiisa: (Xaasaskiinna wanaag kula dhaqma , haddii aad qoonsataanna, waxaa laga yaabaa wax aad qoonsateen in ilaahay khayr fara badan idiin gesho). Suuradda al-nisaa: 19
Diinta Islaamku aad ayey u adkaysay kalsoonida dhextaal labada isqaba,  oo waxay ku xukuntay ninka burburinnaya kalsoonidaasi, oo ku eedaynnaya in xaaskiisu gogol-dhaaf sammaysay in uu la yimaado afar markhaati , haddii uu la imaan kari waayana, ay markaa qasab ku tahay in la is lacnado , ama uu maro waxa loo yaqaan ( licaanka).
Ilaalhay (S.W.) wuxuu sharciyeeyay Nidaamka Furitaanka goortii ay suuroobi waydo Nolosha Qoysku in ay sii socoto, oo markaa uu ninku xaaskiisa wanaag ku qabo, ama uu u furo si wanaag & xurmo ay ku jirto, oo ay ku kala baxaan si wanaagsan oo Naftuna xakammaysan tahay.
Diinta Islaamku waxay ka dhigtay Xiriirka Guurka midka ugu adag Xiriirrada, oo waxay ka dhigtay Caqdiga Nikaaaxa sida Qur’aankaba ku xusan Ballan addag oo lakala galay, Xiriirkaasi muqaddaska ahina wuxuu keenayaa in Nolosha Qoysku ahaato mid ku taagan labada tiir ee kala ah : Isjacaylka & Isu-naxariisashada, & in uu Ninku ku dego ama ku xassilo Xaaskiisa oo markaa uu ku kalsoonaado, iyana ay ku kalsoonaato.
Kalsoonidaasina waa : Aasaaska Nolosha farxadda & liibaanta.
RBC Radio
Kampala Ugandha


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>