Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xajka 2011: Xujayda oo Barito Istaagi Doona Carafa iyo Soomaali Badan oo Sanadkaan Xajinaysa.

$
0
0

 In ka badan 2.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa lagu wadaa in maalinta berito ee Sabtida ay guda galaan gudasha waajibaadka Xajka iyadoo berito ay ku beegan tahay sagaalaadka Carafo.
Muslimiin ka kala timid adduunyada oo dhan ayaa berito si rasmi ah u bilaabaya acmaasha Xajka ee sanadkan 1432 Hijriga (2011).  Waxaana dawlada Sacuudigu sheegtay in tirada dadka ay ka badan tahay tii sanadklii hore oo ahayd 2 milyan oo ruux.
Isbedel lagu sameeyey adeegyada Xajka
Sida ay noo sheegeen Xujeyda sanadkan ka qeybgaleysa gudasha waajibaadka Xajka waxaa sanadkan si weyn loo casriyeeyey adeegyada loogu talagalay Xujeyda imaaneysa Beytka Alle iyadoo goobaha la maro, guryaha iyo gaadiidkana la ballaariyey.
Meelaha sida weyn isbedelka looga dareemayo waxaa ka mid ah “Tuurista Sheydaanka” oo dhismihii aad loo waasiciyey si dad badan ay ugu suurtagasho inay hal marwada tuurtaan.  Sidoo kale adeega xagga caafimaadka,korontada, biyaha iyo cuntada ayeydawlada Sacuudigu sanadkan maalgelin aad u weynku bixiday iyadoo la diyaariyey gawaarida gurmadka deg dega ee Ambulance oo loogu talagalay inay qaadaan haddii dadku ay la kulmaan wax shil ah ama xannuuno ku soo boodaan.
Adeegyada dhanka teknolojiyada
Shirkada dhanka teknolojiyada ee caalamka ayaa sidoo kale qeyb ka qaadanaya fududeynta adeegyada Xajka ee sanadkan. Shirkadda YOUTUBE.COM ayaa bilawday inay si toos ah (live) u soo baahiso Xajka ka dib heshiis ayla gashay wasaaradda diinta ee Sacuudiga. Waxaana dadka oo dhan ay ay si toos ah ula socon karaan acmaasha Xajka iyagoo galaya www.youtube.com/hajjlive .
Dhanka kale shirkadda GOOGLE.COM ayaa iyana sheegtay inay toos u soo baahineyso salaadaha waqtiga Xajka.
Soomaalida iyo sanadkan
Inkastoo weli uusan jirin tirakoob rasmi ah oo laga sameeyey tirada Soomaalida ee dal iyo dibadka imaanaya, ayaa hada waxaa la qiyaasayaa in 150,000 Xaaji ay ka qeybgalaan Xajka Sanadkan.
 
Isha Wararka  Xaqiiqda.
HeeganTV  Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles