Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Kenya; "Waxaan xayirnay hawada magaalada Baydhbao, waana weerari doonaa diyaaradii halkaas dul marta"

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xayiraad dhinaca cirka ah ay saartay magaalada al Shabaabku ku xooga badan yahay ee Baydhabo.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Kenya oo saxaafadda la hadlay ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan diyaaradii ka soo agdhowaata magaalada Baydhabo,  xarunta maamulka gobolka Bay.

Kenyaatigu waxay sheegayaan in xayiraadan ay uga dan leeyihiin sidii ay u joojin lahaayeen hubka ku soo qulqulaya magaalooyinka ay gacanta ku hayaan al Shabaabku gaar ahaan Kismaayo iyo Baydhabo.

Xayiraadan ayaa ka dambeysay kadib markii labo diyaaradood oo hub u siday al Shabaab ay ka soo degeen sida la sheegay magaalada Baydhabo, diyaaradahaas oo ka soo kicitimay dalka Eritrea.

Dhanka kale waxaa weli halkeedi taagan dhiilada colaadeed ee ka dhalatay faragelinta tooska ah ee dowladda Kenya ay ku heyso Soomaaliya, faragelintaas oo si dadban iyo si toos ah intaba ay Soomaali badan uga soo horjeesteen.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles