Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sh. Axmad Ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah difaacyada ciidamada qalabka sida ay ka xoreeyeen malleeshiyaadka Shabaab isagoo hadallo dardaaran ah u Jeediyay Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS.
Meelaha uu madaxweynuhu kormeeray waxaa ka mid ah garoonka kubbada cagta ee Studio Muqdisho halkaas oo uu kula kulmay saraal ka tirsan ciidamada XDS, sidoo kale waxa uu booqday Carafaat, Warshaddii Baastada, SOS iyo Qubuurihii hore ee Talyaaniga isagoo halkaasi kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada XDS.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay ilaaliyaan shuruucda ciidanka si loo helo ciidan leh ismaqal iyo kala danbeyn isagoo sidoo kale ku boorriyay in ay iska qabtaan kooxaha dhaca u geeysanaya shacabka ee ku dhex dhuumanaya ciidamada XDS.
Sidoo kale madaxweyne Shariif waxa uu tibaaxay in dowladdu bixin doonto Mushaaradka ka maqan ciidamada, isagoo ku booriyay ciidamada in ay dalka ka xorreeyaan maleeshiyaadka Shabaab.
Ma aha markii ugu horreeysay ee madaxweyne Shariif uu booqda ciidamada ku jira furimaha hore ee dagaalka.
Halkan hoose ka dhageeyso khudbadda madaxweynaha
Dhageyso Khudbadda Madaxweynaha
↧
Madaxweyne Shariif Oo Booqday Ciidamada XDS Ee Ku Jira Furimaha Hore Ee Dagaalka’Dhageeyso’
↧