Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Kenya oo maanta hanjabaado xoogan u jeedisay Xarakada Al Shabaab iyo walaac ay ka muujisay qaraxyada

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa waxay walaac ka muujisay qaraxyada qorsheysan ee ay Xarakada Al Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, iyadoo qaraxii ugu dambeeyay lagu burburay Kaniisad ku taalla magaaladda Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya Moses Watangula, ayaa wuxuu marka hore uu cambaareeyay qarax ay Xarakada Al Shabaab ku weerartay Kaniisad ku taalla Bartamaha Magaaladda Gariissa ee dalka Kenya.
Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in amuurtaan ay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay inay ku saxsanaayeen in Dowladda Kenya ay ciidamadeedu gelliso gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Kenya Mwai Kibaki oo arintaan qaylo dhaan xoogan ka muujiyay, ayaa wuxuu eedeymo xoogan uu dusha uga tuuray Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu ku baaqay in la-soo qabto raggii qaraxa ku tuuray Kaniisadda Bartamaha Garissa.
Mwai Kibaki ayaa wuxuu arintaan uu u xil saaray Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda Kenya George Siatoti, isla-markaana wuxuu ka dalbaday inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan.
Iskusoo wada-duuboo markii Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo galleen dalka Soomaaliya, ayaa waxaa magaalooyinka qaar ee dalka Kenya ka bilowday qaraxyo khasaaro loogu geysanaaya dadka reer Kenya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>