Gobolada Dhexe ee Wadanka Soomaaliya ayaa waxaa Maalintii Labaad siweyn looga dareemayaa Ciidul adxada, iyadoo Ciidaani ay kaduwantahay Ciidihii Hore Maadaadma aan la’isku Khilaafin .
Maalinta Labaad ee Ciidul udxida oo Wadamada islaamka ah oo dhan siween looga Ciidayo ayaa waxaa Gaar ahaan Gobolada Dhexe ee Wadanka Soomaaliya oo aan Socdaal ku tagay looga Ciidayay Siwadajir ah.
Magaalooyinka aamukarafoonka Heegantv lasoo Dhexmarnay ayaa waxaa kamida Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolaka Galguduud taasi oo ay kamuuqatay farxada Maalinta Labaad ee Ciidul udxida.
Sidookale waxaan Mukarafoonka Heegantv lasoo Dhexqaadnay Shacabka ku dhaqab Magaalada Godinlabe iyagoo dhamaantood ay Heegantv usheegeen inay iskugu Hambalyeynayaan farxada Maalinta labaad ee Ciidul udxada.
Cabdinaasir Cali Wirdh-widh oo ah Gudoomiyaha Ururka Wadajir ee kashaqeeya Dagmada Godinlabe Ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa Heegantv usheegay inay soo dhaweynayaan Fardaxa Maalinta labaad ee Ciida, isagoo intaa ku daray inuu Heegantv uga Mahad celinayo Fursada ay siisay Gobolada Dhaexe oo ay fikradooda uga dhiibanayaan.
Ugu dambeentii Waxaa kamida Magaalooyinka ay Fursada Siisay Heegantv Magaalada Cadaado ee Caasimada Maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo Maalintii labaad looga guda jiro Damaashaadka Ciida waxaana intaa usii dheer in Allah Subxaana watacaalaa uu Siiyay Roob ay ku qaboobsadaan.
Xafiiska Warqabadka
Heegantv.com
Cadaado
Jeylani Xasen Cusmaan
Jiilaani2011@hotmail.com
↧
Gobolada Dhexe oo maalintii Labaad Siween looga Ciidayo.
↧