Xarakada Al Shabaab ayaa waxay bilowday inay culeys xoog leh ay dusha ka saarto shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda Kismayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inaysan dadka ka guuri karin guryahooda oo ku yaalla magaaladda Kismaayo, isla-markaana cid walba oo guuritaan isku daydo ayaa waxay sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto.
Madaxa Maamulka Gobolada Jubbooyinka ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Abuukar Cali Aadan, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaysan shacabka ka barakici karin guryahooda oo ku yaalla magaaladda Kismaayo.
Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan balaaran, isla-markaana aysan ka barakicin guryahooda, isagoo sheegay inaysan jirin cid hawada ka duqeyneyso magaaladda Kismaayo.
Madaxa Maamulka Gobolada Jubbooyinka ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Abuukar Cali Aadan, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay inay la-socon doonaan dadka ku dhaqan magaaladda Kismaayo, gaar ahaan dadka isku dayaaya inay magaaladda ka guuraan.
Shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan, oo ku aadan hadalka ka soo yeeray Xarakada Al Shabaab ee ka mamnuucaaya inay ka guuraan magaaladda Kismaayo, maadaama ay Dowladda Kenya sheegtay inay Kismaayo ka mid tahay, tobanka magaalo ee ay Kenya duqeyneyso.
↧
Xarakada Al Shabaab oo culeys xoog leh saartay shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo
↧