Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shiikh Xasan Daahir; "Abgaal, Ogaadeen iyo Majeerteen waxay ka gaabiyeen Jihaadka ay al Shabaabku ka wadaan Soomaaliya"

$
0
0

Shiikh Xasan Daahir oo inta badan ka meermeeri jiray carab-dhawga qabiilka ayaa shalay meel fagaaraha shacab isugu soo baxay ugu sheegay in beelaha Soomaaliyeed beelo ka mid ah ay ka gaabiyeen Jihaadka ka socda Soomaaliya waa siduu hadalka u dhigaye.

Beelaha Abgaal, Ogaadeen iyo Majeerteen ayuu Shiikh Xasan ku tilmaamay kuwa aan ka qeybqaadan Jihaadka ay kooxdiisu ka wado dalka Soomaaliya.

Shiikha oo fagaare ku yaal deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho kula hadlay dad ka soo qeybgalay Salaaddii ciidda ee shalay ayaa sheegay sidoo kale ku eedeeyay mas'uuliyiin ka soo jeeda Abgaal inay dalka ku soo hogaamiyeen cadaw waa siduu ku doodaye, waxaana uu arintaas ka yiri; "Cali Mahdi wuxuu ku soo hogaamiyay dalka UNISOM, Cali Geedi iyo Cabdullaahi Yuusufna waxay dalka ku soo hogaamiyeen Itoobiyaa Shiikh Shariifna AMISOM ayuu dalka keenay".

Abgaal ayuu sheegay Shiikh Xasan inay ku badan yihiin marka beelaha la barbardhigo dadka Quraanka Alle xafidsan, wuxuuna ku booriyay in ay ka haraan gaala kalkaalnimada, maadaama sida uu sheegay aysan wannaagsnaeyn in gaalo kalkaal ay taariikhda u gashay.

Si kastoo ay ahaataba waa markii ugu horeysay oo uu Shiikh Xasan si toos ah beelaha Soomaaliyeed u kala sooco waxaana hadda muuqata sida dad badani qabaan in uu xodxodanayo beelaha Soomaaliyeed ee aan weli sida miir la'aanta ah u taageerin al Shabaab.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>