Ciidamada Dawladda Ku Meel Gaarka Soomaaliya iyo Culumaa’uddiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee ku sugan Magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxa ay ka wadeen daafaha iyo gudaha magaaladaas dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku soo ban dhigayaan awoodooda Ciidanimo.
Ciidamada dawladda oo ah kuwii lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaq aan caadi ahayn soo ban dhigay maalmihii la soo dhaafay iyagoona ku soo dhawaaday Xuduudda magaalada Doolow ay la wadaagto Magaalada Belad Xaawo.
Dhinaca kale Ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahiddiin eek u sugan Degaanka Beled Xaawo ayaa markii ay arrintaa maqleen iyaguna dhankooda ka bilaabay dhaq dhaqaaq aan caadi ahayn kuwaasoo isu soo baxyo dhoola tusad ah ka sameeyey Degmada Beled Xaawo iyo Degaanada Ku xeeran si aisu muujiyaan in ay diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan dagaal walba oo kala soo gudboonaada dhinaca ciidamada is bahaystay eek u sugan ama fariisinkoodu yahay magaalda Dooloow ee Gobolka Gedo.
Dadka ku dhasqan Magaalooyinka Dooloow iyo Beled Xaawo ayaa cabsi xooggan ka muujinaya dhaq dhaqqayadan ay sameynayaan Ciidamada labada dhinac.
Warka ayaa intaa ku daray in dadka ku dhaqan magaalda Beled Xaawo qaarkood ay bilaabeen in ay halkaa isaga bara kacaan isla markaana u guuraan degaanada ka fog degmada BeledXaawo iyagoona ka cabsi qaba dhibaato ka soo gaarta dagaalo halkaa ku qabsada.
Dadkan ayaa sida ay ku warameen ka cabsaday dhaq dhaqaaqyada ay sameynayaan dhincyada taasoon shaki ka gelinin in goor ay noqotaba ay halkaa dagaalo ka dhici doonaan sidaa darteedna ay goor horeba ay sii bilaabeen in ay ka baxaan magaalda Beled Xaawo.
Horey ayay ahayd markii dhinacyada ciidamada dawladda iyo Culumada Ahlu Suuna ay walcad ugu mareen in ay qaadi doonaan dagaalo culus isla markaana ay ka saari doonaan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka kooxaha ku sugan.
Xarkada shabaabul Mujaahiddiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo iyaguna qaybo gobolka kaga sugan ayaa dhankooda iyaguna horey dhaar ugu maray in haddii Ciidamada Dawladda iyo kuwa ahlu sunna ayan joojin dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ay ugu tegi doonaan magaalada Dooloow kana saari doonaan Dalka oo dhan.
Si kasta ha ahaatee hadaladaa horey la isu weeydaarsaday iyo dhaq dhaqaaqa iminka soconaya ayaa xaaladda u yeeley sawir Cabsi iyo wel wel ku dhaliyay Dadkii shacabka ahaa ee degaanadaa ku dhaqnaa taasoo keentay in qaar ka mid ah dadkaas ay iminka ka bara baxaan degaanadooda.