Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ra'iisal wasaare Sharma'arke" Waxaan halkan u imid dedejinta ciidamada la keenayo magaalada Muqdisho"

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa gaaray magaaalada Nayroobi wuxuuna durbaba bilaabay dhaqdhaqaaqyo uu ku dedejinayo ciidamada Afrikaan ee loo yaboohay Dowladda Soomaaliya in ay ka caawiyaan dhinaca amaan soo celinta.

Sharma'arke oo saxaafada Nayroobi kula hadlay aÿaa sheegay in uu halkaas u tegay sidii ciidamada AMISOM loo soo kordhin lahaa si buu yiri loo xoojiyo awooda Dowladda dagaalka kula jirta xoogag mayal adag oo inta badan gacanta ku haya Gobolada Koonfureed, Muqdishana ku sii xoog badan.

Kal hore kulankii hogaamiyayaasha Afrika ee ka dhacay magaalada Kampala ayaa looga dhawaaqay Qorshe ciidamo dheeraad ah loogu dirayo Muqdisho maadaama uu Madaxsweyne Shariif dunida gaar ahaan Afrikaaanka ka codsaday ciidamo la caabiya cadawga dowladiisa.

halgankanet@gmIl.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles