Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu dib ugu soo laabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii uu shalay uu safar hal maalin qaatay uu ku aaday magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta dib ugu soo laabteen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan Dowaldda Soomaaliya ayaa waxay Madaxweyne Shariif iyo wefdigii la-socdayba ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa waxaa markii dambe loo-galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somaliya, iyadoo ay gaarsiiyeen gawaarida gaashaaman ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Mudane Shariif Sheekh Axmed oo shalay gaaray magaaladda Addis Ababa, ayaa wuxuu xalay kullamo kala duwan uu kula yeeshay Madax kala duwan, wuxuuna kullamo xasaasi ah uu Addis Ababa uu si gaar ah uu kula soo qaatay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle iyo Raa’isal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Melez Zenawi.
↧
Daawo Sawirada: Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku soo laabtay magaaladda Muqdisho “SAWIRRO”
↧