Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Indhacade “Qaraxyada ka dhaca muqdisho Al-shabab ka dmabeeyaan ee ciidmada ha la baaro,”

$
0
0

Shir jaraa’id oo uu Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cade) oo ka mid ah saraakiisha dowladda KMG ah, ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in ay ka dambeyaan qaraxayada magaalada Muqdisho dhacaydhalinyaradii Al-shabaabka ahayd ee kasoo goostay, islmarkaana ku biiray DKMG-ka.
Indhacade ayaa hadalkiisa ku daray in aan loo dulqaadan karin qaraxyada joogta uga dhacaya magaalada Muqdisho maalin kasta, aysana u cuntamayn in qaraxyo ka dhacaan dhul balaaran oo ay dowladdu maamusho.
“Dowladdu waa in ay ka fiirsataa ciidamaynta ciidamada ka soo goosanaya Al-shabaab, waayo waxa maalin kasta qaraxyada ka gaysanaya Muqdisho waa iyaga shan maalmood oo kaliya ayaan muqdisha jooga malin uusan qarax dhicin majirto, arrinkaas mahan mid ay ka dambeeyaan Al-shabaab ee waa ciidamada nagu dhex jiro ee ha la baaro oo dowladdu waa in wax muuqada ay ka qabtaa,” ayuu yiri Jen. Indhacade.
Waxa kaloo uu dowladda u soo jeediyay Jen. Indhacade in qeyb kasta oo magaalada Muqdisho ka mid ah ciidmadeeda lagula xisaabtamo wixii ka dhaco oo qaraxyo ah, islamarkaana lagu sameeyo baaritaan xoogan haddii arrintani ay soo noqoto.
Mar uu ka hadlayay soo galintaan ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya waxa uu yiri Kenya xaqbay uleedhay in ay dalkeeda difaacato mar haddii dalkeeda dad ajaanib ah laga soo afduubtay, waayo amaankeeda ayay suganaysaa.
 
Hadalka Indhacade ee uu uga hadlay qaraxyada joogtada ka noqday magaalada Muqdisho ayaa imanaya iyada oo ay dad badan oo rayid ah ugu dhimanayeen maalinkasta magaaladaasi weerarada is qarxinta ah iyo bombooyinka gacanta laga tuuro.
 
Mohamed Ali Abdi Royter
Skelleftea, Sweden
karaama@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>